Dowladda oo shuruuda ay hordhigtay dadka wata Baasaboorka Shisheeye

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa durbo dhaqan gelisay go’aankii 1-da bishan lagu hirgeliyay barnaamijka Fiisaha Electrooniga ee ( E-VISA) .

Ilo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in dowladdu ay xoojisay in dal ku galka dadka ajaanibta ah lagu siiyo gudaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho isla markaana uu dhaqan galay go’aankii dhowaan soo baxay.

Tallabadan ayaa lagu sheegay in dadka rakaabka caalamiga ah ayaan loo ogaan doonin in ay soo galaan Soomaaliya, iyaga oo aan wadan Fiisaha Electrooniga ah ( E-VISA), halka markii hore lagu siin jiray gudaha garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale warar qaar ayaa sheegaya in muwaadiniinta wata Baasaboorada dalalka Maleeysiga iyo Rwanda loola dhaqmi doono si ka duwan ajaanibta kale, isla markaana ay ayaga Fiisaha ka heli karaan gudaha garoonka.\

Labada waddan ayaa Soomaaliya, waxaa kala dhaxeeya xiriir dhinaca socdaalka ah, iyaga oo si lamid ah muwaadiniinta Soomaalida gudaha garoonka ku siiya Fiisaha dal ku gala Rwanda iyo Maleeysiga.

Dalalka Burund, Jabuuti, Itoobiya, Mauritania, Tansaaniya, Aljeeriya Uganda, Liibiya, Tuunis, Masar iyo, Qomoros, sidoo kale ay heli karaan Fiisaha ayaga oo aan soo dalban.

Sikastaba, tallabadaan dowladda Soomaaliya, ay hirgelisay ayaa sameeyn doonaa dadka Soomaalida ah ee haysta Jinsiyadaha dalalka Mareykanka iyo Yurub.

Leave a Reply

Your email address will not be published.