Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeeysay sheegtay in xadgudubyada dhinaca badd ee la xiriira kalluumeysiga sharci darrada ah ay xargaha goosteen, iyaga oo gaaray in %25 ilaa % 60.
Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka Buluugga ee xukuumadda Soomaaliya Axmed Xasan, ayaa sheegay in kiisaska qaar xitaa ay u dacweeyeen dalal saaxiibo dhow la ah dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka ayaa tilmaamay in xogtaan ay ku ogadeen dayaxa macmalka ah ( Satellite) maadama ay Soomaaliya xubin ka tahay “Copenhagen agreement” oo ah heshiis looga hortagayo kalluumeysiga sharci darrada ah.
Waxa uu bogaadiyay maxkamada dalka oo qaaday tallaabooyinka iyo xukuno lagu riday dad kalluumeysiga shari darrad ah lagu qabtay, isla markaana sidoo kale ay socdaan la xisaabtanka dadka kale ee biyaha Soomaaliya ku xadgudbaya.
Geesta kale baaris ay sameeysya dowladda Soomaaliya, waxaa u soo baxday natiijada ah in 500,000 ilaa 800,000 oo kun oo meter oo tan ah kalluunka nooca Tuunaha lagu sameeyn karo, isla markaana laga heli karon dhaqaalo dhan hal bilyan oo dollar.
Sikastaba, dowladda Soomaaliya ayaa heshiis dhinac badda ah waxa ay kula jirta Turkiga, iyada oo hadda uu socdo qorshaha lagu dhisayo ciidanka badda oo heer sare ah.

Leave a Reply