London (Raxanreeb online) – Dowladda Ingiriiska ayaa kamid noqotay dowladaha shaaciyay in ay xiri doonaan haddii uu dalkooda cagta soo dhigo Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Binjamin Netanyahu, kaddib waarankii soo qabashada ay u jartay maxkamadda dambiyadda adduunka ICC.
Sidoo kale, afhayeen u hadlay xafiiska Lambar 10 ee laga xukumo dowladda Ingiriiska, ayaa sheegay in dowladooda u hoggaansami doonto sharciga ayna fulin doonaan amarkii kasoo baxay maxkamadda caalamiga ee dambiyadda ICC.
“Xukuumadda Ingiriiska waxay gudan doontaa waajibaadka ka saaran sharciga” ayuu yiri Afhayeenka u hadlay xafiiska Ra’isul Wasaaraha mar wax laga weydiiyay in ay xiri doonaan Netanyahu haddii uu dalkooda yimaado..
Dhanka kale, dowladda Ingiriiska ayaa kamid ah dalalka xubnaha ka ah maxkamadda ICC, waxa ayna horey dowladan u saxiixday heshiis waajib ka dhigaya fullinta ammarada kasoo baxa maxkamadda, taa oo Ingiriiska waajib uga dhigeysa in ay xiraan Ra’isul Wasaaraha Israa’iil haddii uu dalkooda tago.
Sikastaba, maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa Khamiistii soo saartay amar lagu soo xirayo Netanyahu, iyo wasiirkii hore ee difaaca Israa’iil Yoav Gallant, oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay Gaza, waxa ayna dalal badan caddeeyeen in ay xiri doonaan xubnahan haddii dalalkooda yimaadaan.
Leave a Reply