Duqeeyn lagu beegsaday gaari lagu diyaarinayay walxaha qarxa G/Mudug

Duqeeyn lagu beegsaday gaari lagu diyaarinayay walxaha qarxa G/Mudug

Muqdisho (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, oo kasoo baxaya gobolka Mudug, ayaa sheegaya in maanta diyaarado dagaal ay duqeymo xooggan ka fuliyeen qaybo kamid ah, koonfurta gobolkaasi oo ay haatan ka socdaan howlgallo ka dhan ah, malleeshiyada Al-Shabaab.

Duqeyntan, ayaa ka dhacday deegaanka Jeexjeex, oo meel lama galaan ah, oo howd ah, oo u dhaxeeysa deegaanada Caad, iyo Cadaleey, ee gobolka M
udug koonfurtiisa.

Wararka ayaa sheegaya in la beegsaday meel ay isku uruursanayeen kooxda islamarkaana ay ku diyaarinayeen walxaha qarxa.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegtay in la bartilmaadsaday saldhigyo waa weeyn oo malleeshiyada ay ku lahayd howdka koongurta Mudug.

“Howlgal Qorsheysan oo ay Fuliyeen Diyaaradaha Dagaalka ee kaalmeeya Ciidamada Soomaaliya oo iska Kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xalay Duqeyn ku burburiyay Saldhigyadii kooxda Khawaarijta AS ee Koonfurta Mudug” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Dowladda.

“Hawlgalkan ayaa ka dhacay Saldhigyadii Howdka Jeexjeexa oo u dhexeeya Caad Iyo Cadaley, halkaas oo ay isku aruursanayeen Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Khawaarijta Al-Shabab”. Ayaa lagu yiri mar kale qoraalka.

Saraakiisha ciidamada dowladda oo ka hadlay duqeeynta ayaa xusay in lala eegtay gaadiid qaraxyo ay ku diyaarinayeen kooxda Al-Shabaab.

Ma jirto wax hadal ah, oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, ee ku saabsan duqeeyntaasi lagula eegtay howdka koonfurta gobolka Mudug.

Al-Shabaab, ayaa laga saaray deegaano ku yaalla gobollada Dhexe, Galgaduud iyo gobolka Mudug deegaano hoostaga halka inta badani ku dhumaaleynaya howdka Mudug.