Shabeellaha Hoose (Raxanreeb online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday Shabeellaha Hoose sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow dhow.
Duqeymaha ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab waxaana uu ka dhacay degmada Hawaay halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano iyo taliyayaal.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, ugu yaraan 12 qof oo ay ku jiraan taliyeyaal sare ayaa lagu dilay howlgalladan oo ahaa mid qorsheysan. Weerarkan cirka ah oo lagu tilmaamay mid sax ah oo istaraatiiji ah ayaa lagu beegsaday xubno sarsare oo ka tirsan Al-Shabaab.
Sida ay sheegayaan wararka qaar ka mid ah dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgallada qorsheysan oo ay ka mid yihiin Abuu Yaasir (Abuu Saciid) oo ahaa hoggaamiye sare oo ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Soomaaliya iyo madaxii howlgallada dibadda ee kooxda, C/ladiif Abuu Zubeer oo u qaabilsanaa kormeerka Al-Shabaab. -Barnaamijyada tababarka Al-Shabaab iyo Abuu Ayuub oo ah guddoomiyaha gobolka Haaway iyo kuwo kale.
Xaalada deegaanka Haawaay ayaa ah mid kacsan sida ay wararku sheegayaan, waxaana qasaaro xoogan lagu gaarsiiyay dagaalyahanada Al-Shabaab sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow dhow.
Laamaha ammaanka ayaa tilmaamay in howlgalladan la bartilmaameedsaday ay qeyb ka yihiin sidii loo wiiqi lahaa awoodda Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyadoo duqeymo noocan oo kale ah ay horay u fuliyeen, iyadoo sanadkii 2014-kii ay ka dhaceen isla deegaankaas weerar lagu dilay hoggaamiyihii hore ee kooxda.
Leave a Reply