Gantaalo iyo diyaarado aan duuliyaha laheyn oo ku dhacay Azerbaijan

Azerbaijan (Raxanreeb Online) Gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ayaa ku dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Nakhchivan ee Azerbaijan.

Ilo ku dhow dowladda Azerbaijan ayaa sheegay in gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo ka yimid jihada Iiraan ay Khamiistii ku dhaceen agagaarka garoonka diyaaradaha ku yaalla gobolka Nakhchivan ee Azerbaijan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters.

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Nakhchivan wuxuu qiyaastii 10 kiiloomitir u jiraa xadka Iiraan, wuxuuna ku yaallaa gobolka Nakhchivan ee Azerbaijan oo juqraafi ahaan ka go’an dalka intiisa kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.