Golaha wasiirrada oo ansixiyay xeerka Qoondada Miisaaniyada 2026

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.

Kulanka golaha ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyey Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2026 iyo Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda, kaas oo ku saabsan iskaashiga socdaalka, iyo Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar, kuna saabsan iskaashiga arrimaha amniga iyo la-dagaallanka dambiyada.

Inta uu kulanka socday wasaaradaha amniga iyo Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga iyo difaaca dalka, iyada oo goluhu bogaadiyey guulaha ay ciidanka qalabka-sida ka gaarayaan dagaalka lagula jiro kooxaha Daacish iyo Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.