Guddiga doorashooyinka Somaliland oo u digay xukuumadda Muuse Biixi

Guddiga doorashooyinka Somaliland oo u digay xukuumadda Muuse Biixi

Hargeysa (Raxanreeb) — Guddiga doorashooyinka maamulka Somaliland ayaa xukuumadda Muuse Biixi Cabdi, uga digay fara gelin sharci darro ah oo ay ku hayaan shaqooyinka Komishanka doorashooyinka Somaliland.

Guddiga oo soo saaray digniintan ayaa si toos ah ugu socotay xisbiga haatan talada haaya ee Kulmiye, ayaa waxaa masu’uliyiinta xukuumadda iyo siyaasiyiinta xisbiga looga digay inay arrimaha doorashooyinka uga hadlaan si siyaasadaysan.

“Komishanka waxa uu digniin u dirayaa xukuumada iyo xisbiga Kulmiye oo caadaystay in ay uga hadlaan arrimaha doorashooyinka si siyaasadaysan oo baal-marsan qawaaniinta iyo shuruucda doorashooyinka.” ayuu yiri guddoomiyaha Komiishinka doorashooyinka Somaliland, Muuse Xasan Yuusuf.

Sidoo kale guddoomiyaha waxa uu sheegay in xukuumadda Muuse Biixi ay xad-gudub u geysatay howlaha iyo masu’uliyadda komishanka doorashooyinka Somalilnad.

“Wax ay shaqo ku laheyn ayay ka dhigteen wax ay ku ololeeyaan,” ayuu yiri Guddoomiye Muuse Xasan Yuusuf.

“Waxa aanu si gaar ah digniin ugu direyna wasiirrada iyo madaxda xisbiga Kulmiye oo maalmihii dambe olole siyaasadeed ka dhigtay howlaha komishanka qaranka uu gacanta ku hayo.”

Guddiga ayaa sidoo kale faray dhammaan daneeyeyaasha doorashooyinka in ay u hoggaansamaan haddii loo hoggansami waayana guddigu uu tallaabo ka qaadayo cid kastoo ku xad-gufubta madax banaanida guddiga komiishinka.

Digniinta ayaa kusoo aadeysa xilli doorashooyinka Somaliland, mucaaradka uu xukuumadda ku eedeeyay inay rabto in ay keento qalab casri ah oo doorashada lagu galayo, taasi oo ku ololeeyay xisbiga Kulmiye xilli bilo kooban ka harsan yihiin doorashooyinka Somaliland.