Hogaamiyaha Suuriya oo booqanaya Washington

New York ( Raxanreeb Online) Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump u qaabilsan bariga dhexe ahna safiirka u fadhiya Ankara, Tom Barrack, ayaa sheegay in madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Suuriya, Axmed Sharaa la filayo inuu dhawaan booqdo magaalada Washington.

Booqashadu waxay ku beegan tahay “ku dhawaad ​​10-ka November,” sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo madaxweyne Suuriya uu ku tago caasimadda Mareykanka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya, Assad Hassan Shaybani, ayaa Axadii, November 2-deedii, xaqiijiyay in Sharaa uu booqan doono Aqalka Cad horraanta bisha November si uu ugala hadlo dib u dhiska Suuriya.

Tom Barrack ayaa sabtidii u sheegay saxafiyinta, in inta lagu jiro booqashada ay rajeynayaan in Suuriya ay ku biirto isbahaysiga uu Maraykanku hoggaamiyo ee ka dhanka ah ISIS.

Ilo Suuriyaan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in booqashada la filayo inay dhacdo labada toddobaad ee soo socda gudahood.

Shara oo xukunka la wareegtay 8-dii bishii December ee la soo dhaafay, hogaamiyahan ayaa safaro kala duwan ku tagay dalka dibaddiisa.

Mid ka mid ah booqashadii ugu horreysay ee Shara waxay ahayd Ankara 4-tii Febraayo, ka dib markii uu casuumaad ka helay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

Trump ayaa magaalada Riyaad kula kulmay Sharaa 14-kii May, waxaana ku wehliyay dhaxal sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan, sidoo kale Madaxweyne Erdogan ayaa kulanka uga qeyb galay khadka taleefanka.

Maalin ka hor ayuu Trump ku dhawaaqay in uu cunaqabateynta ka qaaday Suuriya, waxaana uu sheegay in kulamadii uu la yeeshay Erdogan iyo bin Salmaan ay ahaayeen kuwo wax ku ool ah howshan.

Hogaamiyaha Suuriya ayaa sidoo kale magaalada Moscow kula kulmay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin 15kii Oktoobar.

Leave a Reply

Your email address will not be published.