Hoggaamiyaha Iran Ayatullah Cali Khamenei oo hoygiisa laga saaray sababo laxiriira ammnigiisa.

Hoggaamiyaha Iran Ayatullah Cali Khamenei oo hoygiisa laga saaray sababo laxiriira ammnigiisa.

Tehran (Raxanreeb online) – Hoggaamiyaha Iran, Ayatullah Cali Khamenei ayaa lagu soo warramayaa in si deg deg looga saarey gurigiisa magaalada Tehran, waxaana la geeyay goob ammnigeedu suganyahay, sida ay xaqiijisay Warbaahinta Reuters.

Sidoo kale, talaabadan ayaa timid Kaddib markii ay Xisbullah oo ah kooxda ugu weyn kooxaha Iran taageero ay Sabtidi shalay xaqiijisay dilka hoggaamiyahoodii Hassan Nasrahallah oo ku geeriyooday duqeyn Israel ka fulisay Beirut.

Barta gaarka ah X ee  Ayatullah cali Khamenei  ayaa sidoo kale lagu baahiyay inuu hoggaamiyaha sare soo saari doono warsaxaafadeed uu uga hadlayo duulaanka Israa’iil ee Lubnaan.

Dhanka kale, Iran ayaa lagu soo warramayaa inay diyaarinayso ciidammo ay u diraan Lubnaan iyo iyo dhinaca Suuriya ee buuraha Golan, iyadoo ay sheegtay shabakadda NBC inuu u sheegay ku-xigeen arrimaha caalamiga ah ee Iran, Mohammad Hassan Akhtari; “Waxaan u diri karnaa ciidamo Lubnaan si ay ula dagaallamaan Israa’iil, si la mid ah 1981-dii.

Taliye ku-xigeenkii howlgalka ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, Cabbaas Nilforoushan oo sidoo kale ahaa ku simaha taliyaha ciidanka ilaalada kacaanka dibadda ee loogu yeero Quds ee Lubnaan iyo Suuriya ayaa la xaqiijiyay inuu ka mid yahay saraakiisha sare ee la geeriyooday Nasrallah , kaddib weerarkii ay Israa’iil ku beegsatay goobta ay ku sugnaayeen ee xarunta dhexe ee ururka Xisbullah ee koonfurta Beirut.

Leave a Reply

Your email address will not be published.