minnesota (Raxanreeb Online) Ciidamada ammaanka Maraykanka, gaar ahaan Laanta Socdaalka, ayaa hawlgalo degdeg ah ka bilaabay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka, waxayna si gaar ah u bartilmaameedsanayaan xaafadaha ay dadka Soomaalida ahi ku nool yihiin.
Muuqaalo la duubay ayaa laga arkayey ciidamada oo xoog ku qabqabanaya dhallinyaro Soomaali ah oo baabuur ku kaxaystay, waxaana arrintaasi si weyn uga horyimid bulshooyinka ku dhaqan goobaha ay ciidamadu hawlgalada ka wadaan iyagoo mudaharaad kala hortagay ciidamada ammaanka Maraykanka.
Soomaalida ku nool Maraykanka ayaa caddaadis xoogan la kulmaya tan iyo wixii ka dambeeyey eedihii uu Madaxweyne Donald Trump u soo jeediyey Soomaalida.

Leave a Reply