Kenya oo ka hortagay weerar kooxda AS, ay qorsheynayeen inay ka fuliyaan Garissa

Garissa ( Raxanreeb Online) Dowladda Kenya, ayaa sheegtay in ay fashilisay weerar ay maleeshiyaadka Al-shabaab, qorsheynayeen in ka fuliyeen gobolka Waqooyi Bari.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Special Operation Group (  SOG), ayaa guul ka gaaray howlgal ay kaga hortageen isku dayga weerarka Al-shabaab ay ku doonayeen in ay ka geystaan deegaan u dhaxeeya Welmerer iyo Yumbis ee gobolka Garissa.

Sidoo kale qoraal kasoo baxay xarunta Qaranka ee la dagaallanka argagixisada ee Kenya, ayaa lagu sheegay in howlgalka la qaaday kaddib markii dadka deegaanka ay la soo wadageen xogta siddeed dagaalame oo ku howlana diyaarinta qaraxyada la dhigo waddooyinka.

Ciidamada SOG, oo ka jawaabay xogta, ayaa iska hor-imaad kooban la galay kooxda Al-shabaab, iyaga oo gacanta ku dhigay qaraxyada lagu dhibaateeyn rabay shacabka iyo ciidamada amniga ee Kenya.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa bulshada deegaanka ku amaanay xogta ay la soo wadageen ciidamada amniga, isla markaana laga hortagay musiibo weyn oo Al-shabaab ay la damacsanayeen dadka shacabka iyo ciidamada.

Sikastaba, ciidamada Kenya ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howlgallada ay uga hortagayaan weerarada kooxdu ka geysato gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.