Weerar gantaallo oo ay Iiraan qaaday ayaa sababay burbur iyo dhaawacyo gudaha Israa’iil.
Booliiska Israa’iil ayaa sheegay in saddex qof ay soo gaareen dhaawacyo fudud ka dib markii bam nooca cluster bomb ah uu ku dhacay meel u dhow magaalada Tel Aviv.
Wakaaladda wararka ee AP, ayaa sheegtay in gantaallada Iiraan ay dileen 12 qof gudaha Israaa’iil tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay.
Is-weydaarsiga weerarrada iyo gantaalada labada dhinac ayaa socday habeenkii oo dhan.
Dhanka kale, Israaa’iil waxay ku dhawaaqday mowjad cusub oo weerarro “baaxad weyn leh” oo lagu beegsanayo bartilmaameedyo ku yaalla galbeedka Iiraan.

Leave a Reply