Arusha ( Raxanreeb Online) Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka, Ilyas Cali Xasan, ayaa shaaciyay in maanta magaalada Arusha lagu dhaariyey xubnaha Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Safiirku wuxuu sheegay in talaabadan ay guul siyaasadeed u tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay muujinayso doorka iyo ka qaybgalka firfircoon ee Soomaaliya ku leedahay Ururka EAC.
Danjire Ilyas Cali Xasan ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka isdhexgalka, iskaashiga, nabadda, iyo horumarka dalalka ku mideysan Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Ugu dambayn, safiirku wuxuu u mahadceliyay madaxda qaranka, gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo door weyn ka qaatay dadaallada lagu xoojinayo ka qaybgalka Soomaaliya ee EAC.

Leave a Reply