Koonfur Galbeed oo si cad u diiday qorshaha DF dalka uga saareyso Ciidamada Itoobiya

Koonfur Galbeed oo si cad u diiday qorshaha DF dalka uga saareyso Ciidamada Itoobiya

Baydhabo (Raxanreeb) — Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa si weyn uga hor yimid qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, ee ku aadan bixitaanka ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Wasaaradda amniga ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa been abuur ku tilmaantay hadal kasoo yeeray la-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macallin Maxamuud, oo sheegay in dhammaadka sanadkan 2024-ka ciidamada Itoobiya ay isaga bixi doonaan guud ahaan dalka Soomaaliya, oo dhan.

“Dabcan annaga halka aan ka taaganahay ka dawlad Soomaaliya ahaan, waan caddeyney ciidanka Itoobiya kama mid noqon doono ciidamada sii joogi doona dalka, Diiseembar sanadkan wixii ka dambeeya, arintaasi waa arin dawladda Soomaaliya go’aan ay qaadatay,’’ ayuu horay u yiri Xuseen Macalin.

Sidoo kale Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed, ayaa sheegtay, in aysan waxba ka jirin hadalka kasoo yeeray lataliyaha madaxweynaha Soomaaluya, Xuseen Macallin, in sannadkan dhammaadkiisa ay ciidamada Itoobiya ka baxayaan gudaha dalka.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa u mahad celiyay ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaannadeeda, ayada oo ku amaantay kaalinta ay ka qaataan amniga iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa abuuraya xiisad cusub, maadaama Koonfur Galbeed ay si cad uga hortimid qorshaha Dowladda Federaalka, ee ciidanka Itoobiya oo hadda ku sugan gobollada Baay iyo Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka ayaa kala ah, labo ciidan kuwoo ku howlgala magaca ATMS, iyo kuwoo kale ee si toos ah, u hoostaga Wasaaradda Difaaca ee Itoobiya.