Balad-xaawo ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal kala duwan oo sacaadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.
Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in xalay saqdii dhex 4 qof oo shacab ah oo mid kamid ah uu xanuunsanaa la dilay, waxaana 4 qof ee la dilay la sheegay in ay kala ahayeen labo walaalo iyo labo kale oo ay qaraabo hoose ahayeen.
Sido kale warar kale ayaa sheegaya in saakay waabarigi hore magaalada lagu dhex dilay askari ka tirsanaa ciidamada booliska degmada Baladxaawo.
Dilalkan ayaa waxaa la sheegay in ay salka ku hayaan aanooyin qabiil, waxaana ay qeyb ka noqonayaan falalka la xiriira aanooyinka qabiil ee muddoyinkii dambe ka tagnaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidanka booliska degmada ay bilabeen howlgal ay ku baadi gobayan raggii ka dambeeyay dilalkan ka dhacay gudaha magaalada Baladxaawo, waxaana xiisad arrintaasi ku aadan maanta laga dareemaya magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo.
Weli ma jiro war kasoo baxay laamaha amniga iyo maamulka degmada Baladxaawo oo looga hadlayo dilalka sacaadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Leave a Reply