Laftagareen oo Nairobi kula kulmay safiirka dowladda france u fadhiya kenya.

Laftagareen oo Nairobi kula kulmay safiirka dowladda france u fadhiya kenya.

Nairobi (Raxanreeb online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo Safar Shaqo ku Jooga Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya ayaa kulan la qaatay Danjiraha dowladda France u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya Amp Arnaud Suguet.

Sidoo kale, Laftagareen iyo Danjire Arnaud Suguet ayaa kulankooda kaga wada hadlay taageerida mashaariicda hormarineed ee socda, amaanka guud deegannada Koonfur Galbeed iyo wax ka qabashada is beddelka cimilada oo dalkeena saamayn ay ku Yeelatay.

Dhanka kale, Laftagareen oo maalmahan ku sugan magaalada Nairobi ayaa wada kulamo uu la qaadanayo safiirro iyo wakiillo katirsan beesha caalamka , kuwaa uu kala hadlay xaalada Soomaaliya gaar ahaan kuwa deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Sikastaba, Ugudambeyn, Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa safarro ku taga magaalada Nairobi, halkaas uu kulamo kula qaataan wakiillo katirsan beesha caalamka , safiirro iyo madax kale , kuwaa ay kala hadlaan xaaladaha maamuladooda ka jira.

Leave a Reply

Your email address will not be published.