Maamulka G/Banaadir oo sheegay inay xireen shirkado sifo sharci darro Bajaajlayda lacag uga qaadanayay

Maamulka G/Banaadir oo sheegay inay xireen shirkado sifo sharci darro Bajaajlayda lacag uga qaadanayay

Muqdiaho (Raxanreeb) — Maamulka Gobolka Banaadir, oo uga soo jawaabay cabasho ka timid bajaajleyda Muqdisho, kuwaas oo lagu soo rogay lacago dheeraad ah.

Lacagtan oo dhan qadar $27 ayaa lagu sheegay in ay tahay badqabka mootada taasoo qofka loogu sammeeynayo warqad uu waddada ku maro, taas oo markii danbe sababtay cabasho xooggqn oo ka timid bajaajlayda.

Afhaayeenka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar, oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in lacagtaasi uusan shaqo ku lahayn dowladda hoose ee Xamar.

Sidoo kale wuxuu sheegay in cabashadan maamulka gobolka ay soo gaartay islamarkaana uu jawaab deg deg ah, oo ka bixiyay.

“Maamulka gobolka Banaadir wuxuu caddeynayaa in wax shaqo ah uusan ku lahayn lacagahaasi laga qaadayay mootooyinka Bajaajta ee ka howlgala Muqdisho” ayuu yiri.

Afhayeenka ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay shakhsiyaad, leh shirkado gaar ah, islamarkaana tallaabo sharci ah, laga qaadi doono.

“Guddoomiyaha waxa uu faray laamaha ammaanka iyo qaybaka kala gedisan ee howlwadeennada maamulka gobolka Banaadir inay dabagalaan howshaas waxaana lagu guulaystay shalay in gacanta lagu soo dhigo rag Companyo lahaa oo iyagu ku shaqeysanayay howshaas” ayuu yiri

Afhayeenka ayaa ammaanay una mahadceliyay Bajaajleyda Muqdisho, oo uu ku amaanay sida ay u qaataan amarrada kasoo baxa maamulka Gobolka Banaadir.

“Wuxuu maamulka u mahadcelinayaa Bajaajleyda ka howlgasha gobolkan Banaadir oo mar walba u hoggaansama awaamiirta dowladda hoose” ayuu mar kale yiri Saalax.

Bajaajlayda Muqdisho, ayaa markii horeba dhib ku qabay A iyo B, oo la dhigay maalinba in mid ay shaqeeyso taasoo caqabad ku ah, in kastoo la sheegay in la joojiyay mooto cusub inay soo degto, iyadoo ay jirto shakhsiyaad loo xiray inay keenaan mooto bajaajta oo qiimaheedu ku dhowyahay $5,000.