Madaxweynaha Benin oo sheegay in afgembigii ay ka hortageen

Benin ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Benin, Patrice Talon, ayaa ka soo muuqday telefishinka si uu dadka u qanciyo kadib isku daygii afgambi ee shalay halkaasi ka dhacay.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan bogaadiyo waajibaadka ay guteen ciidamadeenna iyo hoggaamiyeyaashooda, kuwaasoo daaad u noqday qaranka,” ayuu yiri Patrice Talon.

Isagoo u muuqday mid deggan, wuxuu sheegay in xubnaha daacadda u ah ciidamada ammaanku ay qaadeen tallaabooyin ku habboon oo ay kaga hortagayaan isku dayga koox yar ay ku doonayaan inay ku afgambiyaan dowladda – taasoo uu sheegay inay ka dhalan lahayd cawaaqib xun.

Waxa uu sheegay in xaaladda ay hadda gebi ahaanba gacanta dowladda ku jirto.

Dadwaynaha ayuu madaxwaynaha ugu baaqay in shaqooyinkooda ay dib ugu laabtaan.

Hadalka madaxwaynaha Benin ayaa yimid 12 saacadood ka dib markii ay rasaas ka dhacday dhowr xaafadood oo ka tirsan magaalada Cotonou.

Leave a Reply

Your email address will not be published.