Qaahira ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Masar, halkaas oo uu ku joogi doono booqasho qaadan doonta shan maalmood, kadib markii uu martiqaad ka helay Madaxweynaha Masar Abdel Fatah Al-Sisi.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona sii wanaajinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee muhiimka u ah labada dal.
Madaxweyne Isaias iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale ka qeybgali doona 1-da Noofeember munaasabadda furitaanka Madxafka Weyn ee Masar.
Wafdiga Madaxweynaha Ereteriya waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda, Cismaan Saalax iyo mas’uuliyin kale.

Leave a Reply