Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay hadalkii kasoo yeeray Donald Trump

Garoowe ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si dadban uga hadlay hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku weeraray dowladnimada Soomaaliya iyo Soomaalida Minnesota ku nool.

Deni oo hadalkan ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada ,Garoowe ayaa sheegay in Soomaalida tagtay dalalka dibada ay aad u muuqdeen, hase ahaatee dalkooda oo aan wanaagsanayn awgeed aan cidna qaadanayn wanaagooda.

Wuxuu intaas ku daray in hadal haynta Soomaalida hadal hayo ay dhaanto in aan la aqoon, taasi oo uu ku tilmaamay “In lagu sheegsheego laftigeeda baaba wanaaga ah”.

Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in tani ay tahay mid muujineysa in Soomaaliya la yaqaano, sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Madaxweyne Deni oo sii hadlaya ayaa yiri “haddaan fiicanahay dhulkeena waa in ay ka muuqataa, Soomaalidu waxay tiraahdaan ninkaad kabo u dhiibanaysid kabihiisa ayaa la fiiriyaa”.

Sikastaba, madaxweyne Trump ayaa dhowaan ku celceliyay in Soomaaliya ay tahay dal dowlad la’aan ah oo uraya, halka uu Soomaalida Minnesota ku tilmaamay kuwa aan waxba soo kordhin oo uusan doonayn in ay sii joogaan dalka Maraykanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.