Madaxweyne Deni oo talo wax ku ool ah usoo jeediyay DF iyo madaxdeeda

Madaxweyne Deni oo talo wax ku ool ah usoo jeediyay DF iyo madaxdeeda

Garoowe (Raxanreeb online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta ka hadlay munaasabad uu ku dhagax dhigayay isbitaal weyn oo laga dhisayo magaalada Garawe ee caasimadad Puntland, ayaa baaq muhiim ah u diray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, madaxweyne Deni, ayaa sheegay in dowladda Federaalka madaxdeeda laga rabo in ay noqdaan waayeel siyaasadeed, waxa uuna si gaar ah ugu baaqay in kala aragti duwanaashaha siyaasadeed ee taagan aysan ku xallin xabbad, balse looga baahan yahay wadahadal iyo is-qancin.

Dhanka kale, Deni ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya kula talinayo in dadka Soomaaliyeed isku soo jiido una fidiso gogol nabadeed, badalkii ay kala fogeyn laheyd, waa uuna xusay in xilligan dadka Soomaaliyeed u baahan nabbad , caafimaad iyo waxbarasho, balse aysan rabin dagaal.

” Hantida ku baxda hubka dagaalada loo adeegsanayo xilligan, runtii waxa ay noqotay seylad dalkeena loo soo waarido hubka si ay isagu gumaadaan dadkeena, arrintaasi waxaan baaq uga dirayaa odayaasha, siyaasiyiinta iyo cid walbo oo masuul ah in marxaladaa dib u fiiriso , siyaasadda waddadeeda la mariyo ”

Sikastaba, hadalka madaxweyne Deni, ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya duullaan fashilmay ku qaaday maamulka Jubbaland uu khilaaf kala dhaxeeyo, waxa uu sidoo kale hadalkan imaanayaa xilli dagaal beeleedyo dhiig badan ku daatay ka dhacay qeybo kamid ah dalka

Leave a Reply

Your email address will not be published.