Dodoma (Raxanreeb Online) Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Dodoma ee caasamidda dalka Tanzaniya, ayaa ka qaybgalay caleema-saarka Madaxwaynaha dib loo doortay ee dalkaasi, Marwo Samia Suluhu Hassan.
Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa qayb ka ahaa Madax kala duwan oo heer gobol ah, kuwaasi oo lagu casuumay ka qayb galka Munaasabadda caleema-saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Tanzania ee Suluhu Hassan.
Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, ay ahmiyad siineyso xiriirka iskaashi iyo wax wada-qabsi ee ay wadaagaan labada dal, waxa uuna carabka ku dhuftay in uu u rajeeynaayo Madaxweynaha dib loo doortay in ay xoogga saarto ka miro-dhalinta ajendeyaasha heer Qaran, heer gobol iyo heer Qaaradeed ee hor yaala.

Leave a Reply