Mareykanka oo ka digay in weeraro halis ah inay ka dhacaan Nairobi

Nairobi ( Raxanreeb Online) Dawladda Maraykanka ayaa ka digtay falal argagixso oo kooxaha qaar ay ka gaysan karaan dalka Kenya, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

“Kooxaha argagixisada, sida al-Shabaab, keliya khatar joogto ah kuma aha Kenya oo dhan, laakiin sidoo kale Nairobi. Goobaha sida Hoteellada, Safaaradaha, makhaayadaha, suuqyada iyo, Iskuullada, saldhigyada Booliska, goobaha cibaadada, iyo meelaha kale ee ajaanibta iyo dalxiisayaashu ay tagaan ayaa weli ah bartilmaameedyo”, ayaa lagu yiri Bayaan ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee Kenya.

Sidoo kale safaaradda waxa ay sheegtay in Kooxaha argagixisadu weerari karaan digniin la’aan., balse laga yaabo in weerarradu dhici karaan wakhti kasta.

Ugu dambeyn qoraalka safaaradda ayaa lagu sheegay in kor loo sii qaado feejignaanta maaddaama lagu jiro xilliyada sannad-guurada ee weerarradii hore u dhacay sida 7-dii August, Sebtembar 11-keedii, Sebtembar 21-keedii weerarkii Westgate Mall, iyo weerarkii 7-dii Oktoobar ee Xamaas ay ku qaadday Israa’iil.

Sikastaba, weli dowladda Kenya kama aysan hadlin digniinta la xiriirta suur tagalnimada weeraro argagixiso oo ka dhici karaa magaalada Nairobi, taasi oo ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee Kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.