Boosaaso ( Raxanreeb Online) Markab xamuul ah oo bariis iyo sonkor u siday dekedda magaalada Boosaaso, ayaa dab qabsaday, waxa uuna ka soo shiraacday dekedda Porbandar oo ka tirsan Gobolka Gujarat ee dalka Hindiya.
Warkan oo laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan waaxda dab-demiska dalka Hindiya ayaa xaqiijinaya in markabkan oo 950 ton oo bariisa iyo 100 ton oo sonkor u siday dekedda Boosaaso, uu dab ku qabsaday badweynta dhexdooda, islamarkaana uu weli gubanayo.
Sawirro iyo muuqaal ay faafiyeen warbaahinta Hindiya ayaa muujinaya holac iyo qiiq madow oo ka baxaya markabka dushiisa, waxaana ay sheegeen in uu dabku ku sii fidayo markabka, balse uu socdo gurmad Samata-bixin ah.
Gurmad dab-demis oo ay dirtay dowladda Hindiya ayaa si deg deg ah ugu baxay goobta uu ku gubanayo markabka, kuwaasi oo doonaya in ay xakameeyaan dabka, balse weli lama xaqiijin in ay ku guulaysteen dadaalkoodii, iyo inta uu le’eg yahay khasaaraha gaaray markabkaasi.

Leave a Reply