Markba lagu duqeeyay Badda Cas oo ku dagaya xeebaha Yemen

Markba lagu duqeeyay Badda Cas oo ku dagaya xeebaha Yemen

Sanca (Raxanreeb) — Markab ganacsi ayaa ku dagaya meel wax yar u jirta xeebaha Yemen kaddib markii waxyeelo ay ka soo gaartay gantaal lagu weeraray sida ay sheegtay hay’adda Ambrey ee ammaanka badaha.

Ambrey waxay sheegtay in markabka ay ku dhacen saddax gantaal meel u jirta xeebaha Yemen 54 mayl-badeed xilli uu marayay Badda Cas, hadana uu dhinaca u janjeersaday.

Dhinaca kale, ururka UKMTO ee badaha Britain kaas oo ganacsiga badaha xogtooda siiya sirdoonka militeriga Britain ayaa sheegay in ay wax ka dhaceen 31 mayl-badeed meel u jirta xeebaha Yemen. Wax intaas dhaafsiisan ma aysan sheegin. Lama oga hadii warbixintooda ay ka hadleyso dhacdo kale.

Xuutiyiinta Yemen ayaa si joogto ah u beegsada maraakiibta mara Badda Cas taas oo ay sheegeen in ay ku taageerayaan Gaza.

Mareykanka iyo UK oo taageero ka helaya dalal kale ayaa duqeeyay fariismo xuutyiiintu leeyihiin si loo yareeyo awoodooda ay ku carqaladeynayaan maraakiibta.

Xuutiyiintu weerarkan si cad ugama hadal

Xigasho Bbc