Masar oo dooneysa in heerka dhalmada hoos loo dhigo

Masar oo dooneysa in heerka dhalmada hoos loo dhigo

Qahira (Raxanreeb) — Madaxweynaha dalka Masar Cabadul Fattah al sisi ayaa sheegay in dalkiisu u baahanyahay inuu hoos u dhigo heerka dhalmada sibuu yiri looga baaqsado musiibo.

Madaxweyne al-Sisi waxa uu sheegay in Masar ay ku qasban tahay inay hoos u dhigto carruurta dhalaneyso oo ay ka dhigto 400,000, halka hadda ay tahay in ka badan laba milyan sibuu yiri waddanku fursad ugu helo siinta shaqooyin iyo adeegyo kale muwaadiniintiisa.

Mr al-Sisi ayaa khalad ku tilmaamay hadal ka soo yeeray wasiirka caafimaadka dalkaasi Khaalid Cabdel Ghaffar, oo ku saabsanaa in arrinta dhalista carruurta ay tahay arrin ay xor u yihiin dadweynuhu.

Madaxweynaha Masar wuxuu sheegay in dadka oo xorriyad loo siyaa arrintaan ay abuuri karto dhibaato.

Waxa uu si maldahan u sheegay in Masar ay ku dayan karto siyaasadda Shiinaha ee hal cunug, maadaama Shiinuhu “ku guuleystey siyaasaddooda xakamaynta dadweynaha”.

Tan iyo 2000, dadka Masar, oo ka mid ah dalalka ugu dadka badan Afrika, waxay kordheen 40 milyan oo qof, waxayna gaareen 105 milyan oo qof, sida uu sheegay wasiirka caafimaadku.

Bbc