Maxaa looga hadlay kulanka golaha wasiirrada?

Muqdisho (Raxanreeb Online) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta looga hadlay amniga dalka, gurmadka xaaladda abaaraha, hawlgalladdii ugu dambeeyay ee ciidamada Xoogga Dalka ay kula wareegeen deegaanno horleh.

Kulanka Golaha oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey heshiisyo caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal muhiim ah.

kuwaas oo kala ah:

1- Heshiis is-afgarad oo ku saabsan ka dhaafista dal-ku-galka Baasaboorka Diblomaasiga, una dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan.

2- Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Ruushka kuna saabsan arrimaha caafimaadka.

3- Heshiis is-afgarad oo ku saabsan Habraaca dib-u-eegista iskaashiga dalalka Afrika.

4- Heshiiska 1965 ee fududeynta Socdaalka Caalamiga ah ee Gaadiidka Badda (Fal 1965).

5- Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Isbaaniya (Spain) kuna saabsan wadatashiyada siyaasadeed, iyo Xeer-nidaamiyehiisa.

6- Heshiis u dhaxeeya Soomaaliya iyo hey’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atamka ee ku saabsan dhaqangalinta dammaanadaha la xiriira heshiiska ka hortagga ee faafitaanka hubka niyuukleerka, iyo barakatooladiisa dheeraadka ah.

7- Heshiiska Qaramada Midoobay ee ka Ganacsiga sharci Darrada ah ee
Daawooyinka Maanka dooriya iyo kuwa maanka saameeya, 1988.

8- Siyaasadda Maareynta wax-qabadka mideysan ee hay’adaha dowladda.

9- Xeer-nidaamiyaha Hay’adda Daryeelka Agoonta shudadada, Naafada iyo Hawlgabka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Golaha Wasiirrada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Aadan Isaaq Cali iyo Cabdifataax Sheekh Axmed Cabdimannaan oo loo dalacsiiyey darajada safiirrinimo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.