Maxey kawada hadleyn Hoggaamiye Lafta-gareen iyo Maxamed Mursal ?

Nariobi ( Raxanreeb Online) Shirar Wada hadalo hordhac ah oo maalmohi lasoo dhaafay ka socday Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa Keenay in ay xalay magaalada Nairobi ee dalka kenya ku kulmaan Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Soomaaliya Mohamed Mursal iyo Hogaamiyaha Koonfur galbeed Abdiasis Laftagareen.

Kulamadan oo ay gar wadeen ka ahaayen Xildhibaan Aadan Saransoor, Wasir hore Amiin Ahmed iyo Abukaato Ahmed dheere ayaa Lagu guuleesto in Gudoomiya Mursal uu aqbalo in uu la kulmo Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-green.

ilo wareedyo Ku dhaw dhaw labada dhinac ayaa noo sheegay in Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Lafta-gareen uu dalbaday Kulankaan uuna isaga ergo u diray Si uu isaga yareeyo Cadaadis kaga imaanayo Dhinac Gudoomiyihi hore Barlamanka Maxamed Mursal iyo Hadal haynta Ka dhalayay Diidmadii Safarka Magalada Baydhabo.

Kulankaan ayaa lagu wada in labada dhinac ugu wada hadlaan Khilaafkooda si shaqsi ah iyadoo aan Xisbi iyo Kox midna Ka soconin Sida ay i xaqiijiyeen Dhinacyada.

Kulankaan ayaa imaana xili 21 bishii hore ee Octoober uu Maamulka Koonfur galbeed Ka biya diiday Socdaal uu baydhabo ku tagi lahaa Gudoomiye Mursal iyo xildhibaano La socday kuwaasoo Kasoo Wada Jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.