Maxey kawada hadleyn wasiir dowlaha Gaashaandhigga ee XFS iyo safiirka Qatar ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cawaad Al-Shamari.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga amniga, tababarka ciidamada iyo taageerada Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Inta lagu guda jiray kulanka, labada masuul ayaa sidoo kale laga wada hadlay guulaha ay CXDS ka gaareen dagaalka lagula jiro kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, iyagoo muujiyay sida ay muhiim u tahay in la sii adkeeyo wada-shaqaynta iyo taageerada joogtada ah ee Dowladda Qatar ay la garab taagan tahay Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.