Maxkamadda ciidamada Jubbaland oo xukun ku riday askari horay dil u geystay

Kismaayo ( Raxanreeb Online) Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ayaa maanta u fariisatay ku dhawaaqista kiis uu eedeysane ka ahaa Cabdiqaadir Maxamuud Xasan, oo ka tirsanaa hay’adda Nabadsugidda Jubbaland, kaas oo lagu eedeeyay dilka Aadan Maxamed Madey.

Kiiskan ay maxkamadda u fariisatay labo mar oo hore fadhiguu u dambeeyay ee maanta maxkamadda ayaa soo saartay xukunka kiiska, waxa ayna eedeysanaha ku xukuntay 100 Halaad ee Geel ah, oo ah diya marxuumka, iyo shan sanno oo xabsi ciidan ah, sida uu ku dhawaaqay Gaashaanle Dhexe Cabdiaziz Maxamed Dhagajuun.

Goobta maxkamadda, waxaa ku sugnaa Ehellada labada dhinac ee marxuumka iyo Eedeeysanaha, kuwaasi oo si dhow ula socday qaabka uu u dhacayay go’aanka maxkamadda.

Xukunka kaddib, Ehellada labada dhinac oo hadlay xukunka kaddib ayaa sheegay inay ku qanceen xukunka ay soo saartay maxkamadda ciidamada Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.