Muqdisho (Raxanreeb Online) Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay labo Nin oo ku eedeysan in ay horay u dileen 4 qof, waxaa lagu magacaabaa Cabdi Cabdulqaadir Maxamed oo la sheegay in Al-shabaab looga dhex yaqaanay “Xuseen” iyo Farxmaan Maxamuud Cabdinuur Aadan oo isna loo garanayay Xasan.
Maxkamadda Derajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa kahor inta aysan ku ridin xukunka Maanta raggaas lagu fuliyay waxa ay dhagaysatay Baarista Xeer Ilaalinta, dacwad oogista iyo difaaca qareennada Cabdi iyo Farxmaan.
Geesta kale xabsiyada Dowladda gaar ahaan Xabsiga Dhexe waxaa ku xiran Rag lagu xukumay Dil toogasho ah kuwaas oo horay uga soo muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida waxa ay isugu jiraan Rag katirsan ‘AS’ iyo askar dishay Dad rayid ah iyo ciidamo kale.

Leave a Reply