Maxkamadda Sare ee Puntland oo arrimo xasaasi ah kasoo saartay go’aankii SSC

Maxkamadda Sare ee Puntland oo arrimo xasaasi ah kasoo saartay go’aankii SSC

Garowe (Raxanreeb) — Maxkamadda sare ee dowlad goboleedka Puntland ayaa qoraal kasoo saartay go’aannadii kasoo baxay Isimada dhaqanka maamulka cusub ee SSC-Khaatumo, oo darraad shaaciyay in aysan qayb ka noqon doonin doorashada maamulka Puntland, ayna isaga baxeen, ka mid noqoshada maamulkaasi.

Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Sare ee maamulka Puntland Axmed Sheikh Cumar, oo qoraal soo saaray ayaa talo sharci ah, soo jeediyay, kaddib go’aankii kasoo baxay Isimada SSC.

Guddoomiye Axmed Sheekh Cumar oo ah nin asalkiisu uu kasoo jeedo SSC-Khaatumo, ayaa ka horyimid go’aanka ay qaadeen Isimada Khaatuma, wuxuuna sheegay inuu ka dhiman yahay habraaca loo maro heshiisyada iyo ka bixitooda, kaas oo ah, is waafajinta danaha dhinacyada uu khuseeyo go’aanka.

“Inuu go’aanka Isimada ka dhiman yahay habraaca loo maro heshiisyada ama ka bixistooda habraacyadaas oo ah kuwa is waafajinaya danaha dhinacyada ay khuseeyaan, maadaama uu go’aankooda ku dhisan yahay maslxadda hal dhinac oo kaliya” ayuu ku yiri qoraalka.

Axmed Sheeikh, ayaa sheegay in Puntalnd, ay xaq u leedahay in ay qabsato doorashooyinkeeda maadaama ay go’aanka Khaatumo lasoo daaheen.

“Inay Puntland xaqu uleedahay inay doorashadeeda u qabsato qaabkii horay loogu qaban jiray, SSC-na ay ku caban karin, maadaama aanay Isimadu go’aankooda kusoo gudbin waqtigii ku haboonaa” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu ku taliyay in dib loo dhigo doorashada Puntland, inta xal fiican laga gaarayo isla markaana kharaashaadkii baxay ay dhankeeda ka bixiso Khaatumo.

Wuxuu soo jeediyay 17-kii xildhibaan ee baarlamaankii 5-aad inta iyagana laga xallinayo soo xulista xildhibaannada ka imaanaya SSC-Khaatumo.

Puntland, ayaa xaaladdeeda siyaasadeed tahay mid cirka isku sii shareereysa khilaafyada doorashada oo aan xal loo helin.

Dhanka kale Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa iyo maamulka Puntland, ayaan weli xiriirkoodu wanaagsaneyn.