Mid ka mida diiyaarado Helikobter ah oo uu la socday madaxweynaha Iran oo shil gashay

Mid ka mida diiyaarado Helikobter ah oo uu la socday madaxweynaha Iran oo shil gashay

Tehran (Raxanreeb) — Diyaarad Helicopter ah oo ay la socdeen kolonyo uu ka mid yahay Madaxweynaha Iran ayaa shil gashay, sida ay ku warramayso warbaahinta dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda helicobter-ka oo ka mid ahayd sedex ka mid ah kolonyo helekobtara ah – ay si xowli ah u degtay ka dib markii ay dhibaato kala kulantay ceeryaamo xooggan oo ka jirtay waqooyiga dalkaasi.

Ilaa hadda ma cadda in madaxweynaha Iran, Ebrahim Raisi uu saarnaa diyaaradda helikobtarka ah oo ay warbaahinta dawladdu sheegtay in ay si degdeg ah u degtay.

Ma cadda faahfaahinta dhabta ah sida ay wax u dhaceen, mana jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya halka uu Raisi ku sugan yahay.

Wasiirka arrimaha Gudaha ayaa sheegay in kooxaha samatabixintu ay weli isku dayayaan in ay gaaraan goobta, xaaladaha cimillada oo adag awgeed.

Sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha, madaxweyne Raisi ayaa ku sii jeeday magaalada Tabriz ee ku taal woqooyiga galbeed ee Iran, ka dib markii uu ka soo laabtay xadka Asarbajaan, halkaas oo uu ka furay biyo xireennada Qiz Qalasi iyo Khodaafarin.