Muqdisho ( Raxanreeb Online) Midowga Yurub ayaa xeebaha Soomaaliya u soo diray Markab dagaal oo katirsan howlgalla la dagaallanka burcad badeeda ee howlgalka Atlanta.
Ujeedka Markab dagaalka ee loogu soo diray xeebaha Soomaaliya ayaa ah mid amniga lagu xoojinayo, kaddib markii dhowaan kooxo burcad badeed ah ay weerareen markab ganacsi oo marayay xeebaha magaalada Muqdisho.
Falkan weerarka ayaa dhacay maalintii Isniinta ee todobadkan, mana uusan geysan wax khasaaro ah.
Sidoo kale kooxaha burcad badeeda ayaa la sheegay in ay wateen doon yar isla markaana ay ku dhowadeen Markabka.
In ka badan muddo sannad ah xeebaha Soomaaliya, kama aysan dhicin weerar burcad-badeednimo, waxaana tallaabadaas ay ka dambeysay kaddib markii meesha laga saaray afduubkii Maraakiibta.
Weli dowladda Soomaaliya, kama aysan hadlin wararka sheegaya in la wareerayay Markab ganacsi, hayeeshe dowladda ay horay u waday dadaalo looga hortagayo kalluumeysiga sharci darrada ah.

Leave a Reply