Muxuu ku saabsan yahay safarka madaxweynaha Masar uu ku tagayo Imaaraatka ?

Qaahira (Raxanreeb Online) Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al- Sisi ayaa kuwajahan Imaaraatka Carabta, maalin ka dib markii uu la kulmay dhiggiisa Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo todobaadyo kahor xumaaday xiriirkii uu la lahaa Imaaraatka Carabta.

Bayaan ay soo saartay madaxtooyada Masar, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi safarkiisa lagu tilmaamay mid walaaltinimo, kaas oo uu kula kulmi doono Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, Madaxweynaha Imaaraatka Carabta.

Bayaanka ayaa booqashadan ku sheegay mid lagu xaqiijinayo sida ay 2 hoggaamiye uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan,adkaynta wadatashiga, isku-duwidda arrimaha, xasaradaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee ay labada dhinac danaynayaan.

Sikastaba, kulankii shalay Qaahira ay ku yesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Masar, ayey uga wada hadleyn in sare loo qaado xiriirka militari iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.