Muxuu ku saabsanyahay Shirka Arrimaha Bani’aadannimada ee ka furmay Jowhar

Jowhar ( Raxanreeb Online) Magaalada Jowhar waxa goor dhaweyd ka furmay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada, kaas oo ay ka qeyb-galeen wasaaradaha arrimaha gargaarka ee dowlad-goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir, hay’adaha deeq-bixiyeyaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hirshabelle, Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa si rasmi ah u furay Shirka .

Shirka waxa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, ururrada samafalka, bulshada rayidka, hoggaamiyeyaal maxalli ah, iyo xubno ka socda hay’adaha caalamiga ah.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), isla markaana ah kii 9-aad, ayaa inta uu socdo diiradda lagu saari doonaa xaaladaha bani’aadannimo, gaar ahaan barakaca, abaaraha, iyo sidii loo mideyn lahaa jawaabaha degdegga ah ee laga bixiyo musiibooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.