Muqdisho (Raxanreeb) — Sheekha caanka ah ee Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haruun ayaa mar uu ka qayb galayay kulan diimeed ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sanadkii 2019-kii waxaa uu halkaa ka sheegay taariikdiisa iyo qaar ka mid ah waayihii uu soo maray.
Sheekha oo ka hadlay xilligaas waxyaabo badan ayaa arrinta dad badan soo jiidatay ee qaybta ka ahayd taariikhdiisa, waxay ahayd xarig marar badan ay u geysatay dowladdii hore ee Soomaaliya.
“Dugsiga farsamada ee uu Jarmalka ka dhisay magaalada Burco ayaan macallin ka noqday, laakiin muddo qiyaastii sannad iyo bar ah markaan joogay kadib waxaa i xirtay dowladdii Soomaaliya,” ayuu yiri Sheekhu.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku kusii daray: “Dowladdaas Soomaaliyeed ma rabo wax badan inaan ka sheego laakiin inta meelood ee ay wax ku xiri jirtayba waan soo maray.
“Saldhig boolis waa la igu xiray, NSS waa la igu xiray, xero guulwade waa la igu xiray, xero milatari waa la igu xiray, dhabarjabin waa la igu xiray, jeel waa la igu xiray, mararka qaarkood waxaan xabsiga ku jiray sannado, waligeyna maxkamad la ima taagin”.
Sheekh Mustafa ayaa sheegay inuu Dalka dibaddiisa dagganaa illaa sannadkii 1999-kii, ka dibna uu usoo guuray magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaday ee Somaliland.
BBC