Nin hubeysan oo rasaas ku furay safaaradda Mareykanka ee Lubnaan

Nin hubeysan oo rasaas ku furay safaaradda Mareykanka ee Lubnaan

Nin hubeysan ayaa Arbacada maanta ah rasaas ku furay safaaradda Mareykanka ee Lubnaan, waxaana uu ku dhaawacmay rasaas ay is-weydaarsadeen ciidamada ammaanka, sida ay sheegeen ciidamada Lubnaan.

Ciidamada ayaa sheegay in ninka weerarka gaystay oo u dhashay dalka Suuriya la xiray lana dhigay isbitaal si loogu dabiibo, islamarkaana ciidamada ay goobta ka baadi goobayeen rag kale oo hubeysan.

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in subaxnimadii meel u dhow albaabka laga soo galo safaaradda laga soo sheegay rasaas. Waxay intaas ku dartay in xarunta iyo shaqaaluhuba ay bad-qabaan.

Safiirka Maraykanka Lisa Johnson ayaa hadda safar ugu maqan meel ka baxsan Lubnaan, sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed.

Ilo dhanka ammaanka ah oo u dhashay dalka Lubnaan ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ciidamada Lubnaan ay ninka hubeysan ka dhaawaceen caloosha.

Ilaha ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in xubin ka tirsan kooxda ilaalada safaaradda uu soo gaaray dhaawac fudud.

Afhayeen u hadlay safaaradda ayaan ka jawaabin su’aal ay weydiisay Reuters oo ku saabsan in ay jiraan dhaawacyo soo gaaray ilaalada safaaradda.

Reuters ayaa xaqiijisay sawirada ninka looga shakisan yahay in uu weerarka gaystay oo la wareejinayey baraha bulshada, kuwaas oo lagu qaaday meel u dhow safaaradda.

Waxay sidoo kale xaqiijiyey qeyb ka mid ah qoraal carabi ah oo ku qornaa jaakad uu xirnaa oo ahaaa “Islaam”. Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Ciidamada Lubnaan ayaa baro kontorool ka sameystay aagga safaaradda, waxaana la arkayey diyaaradaha qumaatiga u kacay oo dul heehaabaya safaaradda.

Ra’iisul wasaaraha ku-meel-gaarka ah ee Lubnaan Najib Mikati ayaa sheegay in uu la socdo xaaladda, isaga oo ay wehliyaan wasiirka gaashaandhigga iyo ciidamada ammaanka.

Safaaradda Mareykanka waxay ku taal waqooyiga Beirut oo ah aag aad loo ilaaliyo oo leh jidgooyo badan oo laga soo galo.

Waxay ka soo guurtay Beirut ka dib weerar is-miidaamin ah oo dhacay 1983-kii kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 60 qof.
Bishii September, rasaas ayaa lagu furay meel u dhow safaaradda, balse cidna wax kuma noqon.

Bartamihii Oktoobar, maalmihii hore ee dagaalka Gaza, dad badan oo mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay bannaanka safaaradda si ay banaanbax uga dhigaan. Ciidamada amaanka ee Lubnaan ayaa u adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa iyo biyo si ay u kala eryaan.

Xuduudda Lubnaan ayaa tan iyo bishii Oktoobar waxaa ka socday iska hor imaadyo u dhexeeyay Xizbullah oo ay Iran taageerto iyo Israa’iil taasi oo barbar socota dagaalka Gaza.

Tobanaan kun oo qof oo ku nool labada dhinac ee xuduudda Israa’iil iyo Lubnaan ayaa barakacy iyadoo laga cabsi qabo in dagaalku sii xoogeysto.

Mareykanka ayaa waday dadaalo diblomaasiyadeed oo lagu qaboojinayo rabshadaha ka taagan xadka.

Reuters/VOA