NISA oo gacanta ku dhigtay nin ajnabi ah & gawaari u socday Al-Shabaab

NISA oo gacanta ku dhigtay nin ajnabi ah & gawaari u socday Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Ciidamada Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, oo howlgal ka sammeeyah degmada Afgooye, ayaa gacanta ku dhigay gawaari qalab u waday iyo rag ka kooban 8 ruux oo kusii jeeday dhanka kooxda Al-Shabaab.

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in la qabtay saddex gaari oo ay ku raranyihiin, Alaabo electronics u badan iyo sidoo kale dadkii watay oo uu ku jiro nin ajnabi ah, oo u dhashay dalka Uganda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Hay’adda NISA.

“Gawaarida ayaa lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose waxaa sidookale Ciidanku gacanta ku dhigeen 8 Ruux oo uu ku jiro Muwaadin u dhashay dalka Uganda” ayaa lagu yiri.

Hay’adda NISA, ayaa sheegtay in qalabkan loo waday kooxda Al-Shabaab, islamarkaana la doonayay in lagu dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed.

“Kooxdaan Ciidanka Sirdoonku gacanta ku dhigay ayaa ku sii jeeday goobaha Al-shabaab joogto waxaana lagu tuhunsan yahay in qalabka ay u wadeen al-shabaab si loogu adeegsado gumaadka Shacabka Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Sirdoonka Qaranka NISA.

Horey sidan oo kale ciidamada amniga oo holwgallo ka sammeeyay Shabeellooyinka ayaa soo qabqabtay rag loo waday Al-Shabaab, iyo xaasaskooda iyo gaari Caasi ah, ay saarnaayesn.

Ugu danbeeyn ciidamada Dowladda Federaalka ayaa sii kordhiyay howlgallada ka dhanka ah, kooxda Al-Shabaab, iyagoona guulo ka soo hoyiyay.

Shalay ayay ahayd markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, nolosha lagu soo qabtay kuwaas oo gaarayay illaa iyo saddex rag ah, iyagoona laga soo qabtay deegaanka cadcadeey ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Soomaaliya.