NISA oo qabatay rag hore ay Al-Shabaab usoo bandhigtay

NISA oo qabatay rag hore ay Al-Shabaab usoo bandhigtay

Muqdisho (Raxanreeb) — Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee (NISA), ayaa gacanta ku dhigtay saddex ka mid ah shakhsiyaad dhowaan tagay deegaannada kooxda Al-Shabaab ay joogto, kana soo muuqday muuqaallo ay horey u baahisay kooxda Al-Shabaab.

Raggan ayaa kasoo muuqday muuqaallo ay baahisay kooxda Al-Shabaab, iyagoona sheegay inay soo aadeen islamarkaana isku soo dhiibeen Al-Shaabab.

Nisa, ayaa gacanta kusoo dhigtay raggan oo ku dhuumaaleysanayay Muqdisho, sida lagu faafiyay baraha bulshada ay ku xiriirto, ee Facebook, inkastoo ayaan ka hasal NISA, qabashada raggan.

Muuqaal ay maanta baahisay warbaahinta Dowladda ayay kasoo muuqdan raggan oo ka kooban saddex, iyagoo sheegay in dowladda markii hore Muqdisho uga qaaday si ay uga mid noqdaan malleeahiyada Macawiisleyda.

“Muqdisho ayaa nagala qaaday anaga oo Macawiisley ahaan naloo wado si aan ula dagaalano Al-Shabaab. Baardheere ayaa tagnay oo sidii ayaa baabuur kaga raacnay Baardheere oo waxaa tagnay meel caan ah oo ay Al-Shabaab haystaan,” ayuu yiri mid ka mid ah, saddexdan rag.

Sidoo kale waxay sheegeen in la geeyay degmada Jilib, ee gobolka Jubbada Dhexe islamarkaana laga duubay muuqaalka ay baahisay kooxda Al-Shabaab, sidoo kale ma sheegin sababta rasmiga ah, ee ku kalliftay, aadistooda kooxda.

Saddexdan rag ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, ka codsaday inay cafis u fidiso maadaama ay baddeleen qorshihii hore ee DF uga wadday magaalada Muqdisho ee ahaa inay qeeyb ka noqdaan ciidamada Macawiisleyda ee qeeybta ka ah, dagaalka ka dhanka ah, Al-Shabaab.

“Waxaa rajeynayaa hadda maadaama qalad galay oo hadafkeyga badalay, aniga oo Macaawiisley ah oo mowqifkeyga uu ahaa in dalkeyga iyo deegaanadeyda ka xoreeyo haddana aan beddelay mowqifkeyga, oo weliba rag aniga ila mid ah ay Shabaab la xiriireen oo mowqifkeyga bedeleen waxaa rajeynaa in dowladda Soomaaliya i cafiso.”

Dhacdadan oo kale ayaa horey uga dhacday Kismaayo, iyadoo gaari ay la goosteen darawal ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland, kuwaas oo gaari la goostay dhanka Al-Shabaab, muddo kadibna NISA, ay gacanta ku dhigtay.