Nepal (Raxanreeb Online) Ra’iisul wasaaraha dalka Nepal KP Sharma Oli ayaa xilka iska casilay ka dib markii ay shacabka dalkaasi ka caroodeen dilka 22-ka qof ee lagu dilay iska horimaadyada booliska ay la galeen dibadbaxayaal ka soo horjeeda musuqmaasuqa.
Xafiiskiisa ayaa sheegay in uu u tanaasulay si uu ugu gogol xaaro sidii xal dastuuri ah loogu heli lahaa dibadbaxyada ballaaran ee ay hormuudka ka yihiin dhallinyarada ee ka dhashay eedeymo musuqmaasuq oo baahsan oo salka ku haya xayiraad dhanka baraha bulshada ah, kuwaasoo markii dambe laga noqday.
Mudaaharaadyadu waxay isu beddeleen rabshado iyadoo kumannaan qof oo qaar badan oo ka mid ah ay isku tilmaameen inay yihiin Gen Z oo wata boodhadh iyo boorar – ay isugu soo baxeen waddooyinka Kathmandu Isniintii.
Ku dhawaad 200 oo qof ayaa la rumeysan yahay inay ku dhaawacmeen iska horimaadyo dhexmaray iyaga iyo booliska, kuwaasoo adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa, biyo iyo rasaas nool, iyadoo dibadbaxayaashu ay fuuleen darbiyada baarlamaanka iyo dhismayaal kale oo kuwa dawladda ah.

Leave a Reply