Ra’isulwasaare Xamsa oo sheegay 25% uu kordhay daqliga DF

Ra’isulwasaare Xamsa oo sheegay 25% uu kordhay daqliga DF

Kismaayo (Raxanreeb) — Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeybgalay dood furan uu soo qaban qaabiyay Machadka Dooxada Jubba, ayaa bulshada su’aalo ku weeydiineysayeb ugana jawaabay wixii u qabsoomay Xukuumaddiisa Dan Qaran, iyo waxa hadda ay hiigsaneyso.

Xamsa, ayaa ka hadlay xaaladda dalka Siyaasadda, Dhaqaalaha, Amniga, iyo dagaalka ka dhan ah, kooxda Al-Shabaab, gurmadka loo fidinayo dadka ku saamoobay daadadka xooggan ee ka jira dalka gobollo ka mid ah.

Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegay roobabkii ka da’ay dalka oo dhan in xukuumaddiisa ay wax ka qabatay isla markaana ay u xilsaartay guddi isugu jira Wasiiro Bulshada Rayidka iyo Ganacsato, halka guddigaasi uu guddoomiye uu u yahay Saalax Axmed Jaamac ku xigeenka Xamsa Barre.

“25% ayuu daqliga gudaha kor u kacay, waxa aan ku faaneynaa maan, waxa kale iyo duruufta kale markii laga tago mushaarkeena oo 8 Milyan la’inagu kabi jiray in aan hadda kabkaas ka maaranne oo aan annaga iska bixineyno.” ayuu raaciyay hadalkiisa Xamsa Cabdi Barre.

Xamsa ayaa sheegay arrimaha deeyn cafinta in guul weeyn laga gaaray, xasilinta Caasimadda Muqdisho, iyo ku biirista Dowladda Federaalka Soomaaliya, dalladda Bulshada Bariga Africa, ayna fursad shaqo fiican u noqon doonto ganacsatada Soomaaliyeed.

Ugu danbeeyntii Ra’isulwasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in muhiim ay u tahay dhameeystirka Dastuurka qabyada ah, ee Dalka.