Muqdisho (Raxanreeb) — Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo dhoweeyay go’aankii Qaramada Midoobay ay cunaqabateynta uga qaaday hubka Soomaaliya, 31 sano ka hor ayna tahay guul weeyn oo usoo hoyatay dadka Soomaaliyeed.
Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in muhiim ay u tahay qalabeeynta ciidamada qaranka, ee ku jira howlgallada xaqiijinta amniga iyo ciribtirka kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay in ay fududaaneyso in Al-Shabaab deegaanadooda loogula dagaallamo.
Sidoo kale Xamsa ayaa intaasi ku daray in ay jiraan waddamo badan oo Soomaaliya garab taagan dhisidda ciidamada iyo agabka ay u baahanyihiin fududeeynta waxyaabaha ay ku howlgalayaan, kuwaas oo hadda kaddib ay dowladda toos u heli doonto.
“Waa cunaqabatayntii ugu dhirirka badnayn ee abid Golaha Ammaanka uu dulsaaray waaye, dedaal badan ayaan u galnay in nalaga qaado, Waxa aan ka faaiideynaa in aan si casri ah u qalabayno ciidankeena iyada oo aanay naloo kala xuleyn hubka & qalabka, waxa aan ku qalabayn doonnaa ciidankeenna hub casri ah si durba Khawaariijta Dalka looga xorreeyo” ayuu yiri.
Xukuumadda Ra’isulwasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegtay in si dhow ula socon doonto hubka soo galaya dalka maadaama ay Soomaaliya saarneeyd cunaqabateeyn adag 31 sano taasoo laga baqayay qabaa’illadii ku dagaallamayay dalka in uu hubka gacanta u galo.