Muqdisho (Raxanreeb online) – Taliyaha Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha S/ guuto Cabdulaahi Xasan Bariise ayaa tababar ugu soo xiray Saraakiil loo Tababaray in ay Ciidanka Ka mid Noqdaan Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed kuwaas oo mudo Tababar ugu socday Dalka Jabuuti.
Sidoo kale, Wafdiga Saraakiisha waxaa Hoggaaminaaya Taliyaha Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha S/ guuto Cabdulaahi Xasan Bariise oo ay wehliyaan Taliyaha Hoggaanka Caafimaad Boliiska S/Guuto Cabdirisaaq Afguduud iyo G/dhexe Axmad Maxamed Axmad Taliyaha Hoggaanka Tababarada Ciidanka Boliiska.
Dhanka kale, Ciidanka Tababarka Loosoo xiraayo waa Dufcada 21aad ee Ciidanka Daraawiishta Boliiska Soomaliyeed waxaana Tababarka Ciidankaan Iska Kaashadey Dowladaha Talyaaniga, Jabuuti iyo Soomaaliya oo Tababarka kawada faaideysanaya.
Ugudambeyn, Ciidanka Tababarka Loo xirey ayaa Soo badhigey Wixii ay barteen ayadoo madaxdii ka qeyb gashay xafladaas ay aad ugu riyaaqeen Bandhiggii ay sameeyeen Ciidanka Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed.
Leave a Reply