Sawirro: howlgal adag oo ka socda degmada Dilla ee Somaliland

Sawirro: howlgal adag oo ka socda degmada Dilla ee Somaliland

Dilla (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, ayaa laga helayaa xaalad adag oo ka taagan degmada Dilla ee gobolka Awdal, halkaas oo laga baadi goobayo maydka mid kamid ah dadka deegaanka, oo ku dhacay war weyn ee ku taalla degmadaasi.

Cabdiraxmaan Mukhtaar Cali, ayaa lagu magacaabi jiray marxuumkaasi waxaana liqay warta biyaha, ayada oo illaa hadda la la’yahay maydkiisa.

Ciidamada Somalilad, gaar ahaan kuwa xeebaha dab-damiska oo ku sugan goobta ayaa maalintii labaad ku sugan halkaasi, waxaana dadaallo xooggan ay wadaan bad-maaxiyaal la geeyay goobta.

“Dilla Hawl-gal balaadhan oo lagu baadi goobaayo maydka marxuum Cabdiramaan Mukhtaar Cali oo uu liqay dhaamka Degmada Dilla ee gobolka Awdal ayaa maalintii labaad ka socda dhaamkaasi,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Somaliland.

“Waxaa goobta ku sugan qaar kamida ciidanka ilaalada xeebaha, dab-damiska iyo bad quusayaal ku xeeldheer arrimaha dabaasha” ayaa lagu yiri mar kale.

Mas’uuliyiinta deegaanka iyo ciidamada oo is kaashanayo ayaa illaa xalay dadaal ku bixinaya sidii loosoo saari lahaa maydka marxuumkaasi oo ku jiro halkaasi muddo labo maalmood ah.

Ehellada ayaa horay gurmad uga dalbaday Dowladda, ayaa iyaguna goobta ku sugan, si ay u helaan maydka wiilkooda oo maalintii labaad laga raadinayo halkaasi Balli ku yaalla degmada Dilla ee gobolka Awdal.