Sawirro: Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo Ceelwaaq kala wareegayo ATMS

Sawirro: Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo Ceelwaaq kala wareegayo ATMS

Ceelwaaq (Raxanreeb) — Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, oo safar shaqo ku jooga maalmahan degmada Ceelwaaq, ee gobalka Gedo, ayaa halkaas ka wada kulmo iyo wadatashi ku saabsan sidii loo xoojin lahaa amniga degmada Ceelwaaq, oo ay la wareegayaan ciidamada daraawiishta maamulka Jubbaland.

Safarkan, madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, ayaa ku saabsan sidii loola wareegi lahaa amniga magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas oo dhowaan la filayo in ay isaga baxaan ciidamada Kenya ee ku howlgala magaca ATMS.

Ciidamada Jubbaland, ee ku sugan, Ceelwaaq, ayaa dhowaan dib u habeeyn iyo qalabeeyn lagu sammeeyay iyadoona sidoo kale la horumariyay maamulka degmada, si bulshada uga maaranto ciidamada ATMS.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maalmahan halkaasi ka waday abaabul iyo wacyigelinta qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo helo iskaashi mideysan iyo midnimo dadka deegaankaasi ay gaaraan.

Sidoo kale ku-xigeenka, ayaa kulan looga hadlayay xiriirka iyo xog wadaaga la yeeshay masu’ulyiinta sare ee dowlada Kenya u jooga aagga degmada Ceelwaaq.

Maxamuud Sayid Aadan, ayaa kula dardaarmay laamaha amniga, saraakiisha iyo masu’ulyiinta kale Soomaaliya, iyo Kenya, ee Ceelwaaq, ku sugan in ay xoogga saaraan ka shaqeynta amniga xaduudaha iyo midnimada bulshada walaalaha ah dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay saraakiisha dowladda Kenya, taageerada ay ka geeysteen sidii loola dagaallami lahaa kooxda Al-Shabaab, isagoona ku dardaarmay in la laba jibaaro iskaashiga xuduuda.

Maamulka Jubbaland, ayaa wada tayeeynta ciidamada Jubbaland, si looga baaqsado weerarada ay geeysaneyso kooxda Al-Shaabab, ee mararka qaar ka dhaca xuduuda iyo qaar kaloo gudaha Kenya.