Washington (Raxanreeb) — Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland Ciise Keyd Maxamuud ayaa ka jawaabay hadalkii wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaaleh oo sheegay in Jabuuti iyo madaxweynaheeda Ismaaciil Cumar Geelle ay si weyn uga caroodeen tallaabadii uu Muuse BIixi Cabdi qaaday ee ahayd badda uu siiyay dalka Itoobiya.
Ciise Keyd Maxamuud wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, oo ku sugan dalka Maraykanka ayaa wareeysi uu siiyay laanta Af-ka Soomaaliga, Idaacadda VOA, wuxuu sheegay in wax dhibaato ah aysan u arkin hadalka wasiirka maaliyadda dowladda Jabuuti.
Sidoo kale wasiir Kayd, ayaa sheegay in dalka Jabuuti aysan u geysan wax dhibaato ah, balse ay ka shaqeeyn jireen aayaha Ummadda reed Somaliland, markii ay galayeen heshiiska Itoobiya.
Wasiir Kayd, ayaa la weeydiiyay sababta ay uga baxeen heshiiska garwadeenka ka ahayd Jabuuti, ee dowladda federaalka Soomaaliya, ay la galeen isagoona ku dooday in halkaasi wax heshiis ku saabsan lagu gaarin, Somalilana ay iska daneysato.
Sidoo kale wuxuu sheegay Kayd, in dhabarjebin ku ahayn Jabuuti iyo arrimahii ay waday ee dhexdhexaadinta ahayd, balse ay ahayd wax in muddo ah, ay kasoo wada shaqeynayeen Somaliland, iyo Itoobiya.
“Si fudud uma aanaan tegin Itoobiya, afar bilood ayaan ka shaqeynayey arrintaas, kulanka Jabuuti markii uu dhacayey anigu waxaan joogay Addis Ababa, taasi waxay keentay in madaxweynuhu uu Itoobiya tago si heshiiskaas uu u saxiixo, maadaama uu soo dhamaaday wadahadalkeenii anaga iyo Itoobiya,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Ciise Keyd Maxamuud.
Wasiirka ayaa sidoo kale meesha ka saaray in heshiiskaasi uu ahaa falcelin ku saabsan heshiiskii ay garwadeenka ka aheyd Jabuuti, balse uu ahaa heshiis ay muddo afar bilood ah, ka shaqeyneysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, oo isagu uu hoggaamiyo.
Ugu danbeeyntii Wasiir Ciise Keyd, ayaa sheegay in Jabuuti iyo Somaliland, ay yihiin dad walaalo ah, isla markaana uu ka dhaxeeyo heshiis iyo walaalnimo soo jireen ah.
“Heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya meel aad u wanaagsan ayuu marayaa, wax kastana waxay u socdaan sidii loo qorsheeyey,” ayuu yiri Wasiir Keyd.
Somaliland, ayaa siisay dhul dhan 20 Km oo xeebaha ah ay ka kireyn doonto ciidamada badda ee Itoobiya, arrintaas oo ay Addis Ababa xaqiijisay.
Taa beddelkeeda, Somaliland waxay saami ku yeelan doontaa shirkadda diyaaradda Ethiopian Airline, oo ah shirkad duullimaad oo dowladdu ay leedahay.