Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeysay go’aanka ay Dowladda Jamhuuriyadda Suudaan dib ugu billowday ka-qaybgalkeedii buuxda ee Urur-Goboleedka Horumarinta Geeska Afrika (IGAD).
“Soomaaliya waxay si gaar ah u tixgelinaysaa adkeynta iskaashiga heer gobol ee kala dhexeeya Jamhuuriyadda Suudaan, kaas oo tiir-dhexaad u ah xoojinta wada-shaqeynta wax-ku-oolka ah ee caalamiga ah, isla markaana laf-dhabar u ah ilaalinta nabadda iyo amniga heer gobol iyo heer caalami.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladad.
Sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa bogaadisay dadaallada diblomaasiyadeed ee ay hormuudka ka ahayd dowladda Jabuuti, iyada oo hoos imanaysa hoggaanka xikmadda leh ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Guddoomiyaha Shir-Madaxeedka IGAD ee xilka haya.
Ugu dambeyn dowladda ayaa sheegtay in dadaalladan ay door muuqda ka qaadayaan fududeynta dib-u-soo-laabashada guuleysatay ee Jamhuuriyadda Suudaan, taas oo ka tarjumaysa isku-duubnida goboleed iyo masuuliyadda wadajirka ah.

Leave a Reply