Soomaaliya oo laga daah furay mashruuca biyo xireenka Sabuun

Soomaaliya oo laga daah furay mashruuca biyo xireenka Sabuun

Jowhar (Raxanreeb) — Maanta waxaa magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka HirShabelle, laga daah furay mashruuca Biyo xireenka Sabuun, kaasi oo wax weyn ka beddeli doona nolosha in ka badan 300 kun oo beeraley Soomaaliyeed ah.

Mashruucan ayaa waxaa si wada-jir ah u daah-furay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Ku simaha Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ahna ra’iisul wasaare ku-xigeen Saalax Axmed Jaamac, oo halkaasi ku sugan.

Munaasabadan sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa wasiiro xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka maamul goboleedka Hirshabeelle iyo saraakiil ka socotay Qaramada Midoobay.

Mashruucan ayaa waxaa gacan lixaad leh ka siinaya Soomaaliya, dowladaha Mareykanka iyo Uk.

Ku-xigeenka raisulwasaaraha oo hadal ka jeediyay ayaa sheegay in waxtar weyn uleeyahay mashruucan bulshada Soomaaliyeed, islamarkaana uu xal u noqon doona waraabka beeraha iyo dhibaatooyinka kale ee ay sababaan fatahaadda iyo daadadka uu sameeyo wabiga Shabeelle.

“Mashruuca Sabuun oo guulleysto waa Soomaaliya oo barwaaqo ah, waxaan hubbaa in uu kordhin doonno wax-soo-saarka Beeraleyda.” ayuu yiri ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Saalax Jaamac.

Saalax Jaamac, ayaa uga mahad celiyey dowladiha iyo hey’adiha gacanta ka geystay hirgelinta mashruuca Sabuun, isaga oo xusay in xukuumadda federaalka Soomaaliya, ay ka shaqeynayso sidii kor loogu qaadi lahaa tabaca iyo wax soosaarka beeraleyda Soomaaliyeed.